u dhow
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
u dhow
(adj) near (niyar) ~ aan fogayn. Ex: meel iskuulka u dow; a place near the school
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ku dhow
adv-loc: close by, near to
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ag
(Ag-ta)
Meel ku dhow ama u dhow; aan ka fogeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ayeeyo-lugdheer
(Ayeeyo-lugdheer-ta)
Xasharaad jaadad badan ah oo dheer oo dhuuban; waxay leedahay labo addin oo hore oo madaxa u dhow, oo waaweyn, oo qodxo leh iyo afar kaloo lugood, oo dhuudhuuban iyo baalal, midabkeeduna waa cagaar; ~ abooto-idabbadis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caaggan
(hilibka qaarki, kd.) aan u dhowaan, aan cunin, aan taaban; wax xil leh ka dhigtay oo naftiisa u diida; ka xishooda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dalqo
(Dalqa-da)
Afka gudihiisa, kobta hilibdalquhu ku yaal iyo inta u dhow oo jiljilicsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dheeg
(Dheeg-ga)
1. Geela dhinaciisa kore oo kuruska u dhow.
2. Markabka dushiisa.
3. Meel sare; baar; guud.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhukay
(Dhukay-ga)
Dhegdheg dhegta daloolkeeda dibadxigeenka ah ku yaal oo ka yimaada qanjirro daloolka u dhow: wixii waxyeello leh oo dhegta soo gala buu celiyaa inta ayan reemaha dhegta soo gaarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhuur
(Dhuur-ta)
Geed dheeraada oo weligi cagaar ah oo badanaa ka baxa dhulka dhanada ah ama badaha u dhow ama bacadka ah; laamihiisa caleemo kama baxaan ee waxay yeeshaan faraq timo cagaaran u eg iyo iniino kulkulacsan oo kurtumo yaryari ku xardhan yihiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gale
(Gala-ha)
1. Cudur dadka, kd., ku dhaca.
2. Gebiga togga; dhuuxa togga inta u dhow.
3. Gole; ardaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Geeraar
(Geeraar-ka)
Jaadadka maansada mid kamid ah oo gabayga u dhow kase tixo gaaggaaban.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hargab
(Hargab-ka)
Xanuun yar oo sanka iyo meelaha u dhow ku dhaca oo qufac iyo hindhiso iyo duuf leh; durey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jan
(Jan-ka)
1. Jacayl ama rabitin daran oo in lala bukoodo u dhow.
2. Wax iska jeclaysi ku dhaca naagaha uurka leh ama wallaca ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kan
1. Qof ama wax lab oo qofka hadla haya u dhow.
2. Goor ama had joogta ama qaarkeed tegey ama iman doono.
3. (Kan-ka) Xayrta kelyaha korkooda ka baxda.
-kan — Ereyga kan kolka uu tilmaanta yahay oo magac ka dabadhaco, kolka magac qodob lihi ka horreeyo, inta k la tuuro baa la isku gaabin karaa (sida: ninka kan = ninkaan; guriga kan = gurigaan; dayaxa kan = dayaxaan; furaha kan = furahaan).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Karmo
(Karma-ha)
(weligi koox) kolka dayaxu uusan xiddig la fariisan oo u dhoweyn (aragga isha) ee uu labo xiddigood kalabbarkood fariisto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maskaxyaro
(Maskaxyara-da)
Maskaxda docdeeda hoose oo ku jirta lafmadaxda labadeeda dhinac oo hoose, oo u dhow meesha lafdhabarta dhuuxeedu ka bilawdo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qusuusi
(Qusuusi-ga)
Madax gaar ah oo boqorka ama waayeelka u dhow ama xigta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Siga
Ku dhowaada; u dhowaada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sigid
(Sigid-da)
1. Wax halis ah ama waxyeello leh, cid wax yar u marid, u jirsasho.
2. Meel ama wax la tooganayo, meel u dhow ku dhufasho, ag marin, ku dhufan gaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tan
1. Qof ama wax dheddig oo qofka hadlaya u dhow oo farta la isugu fiiqayo (sida: tan i sii; gabadhii meeday? Waa tan; ...) kolka ay magac ku xiriirsan tahay oo tilmaan u tahay, waxay noqotaa tan.
2. (*) (Tan-ka) Kun kiilograam ama toban kiintaal culayskood.
-tan — Ereyga tan kolka uu tilmaanta yahay oo magac ka dabadhaco; kolka magac qodob lihi ka horreeyo, inta ta'-da la tuuro baa la isku gaabin karaa (sida: naagtatan = naagtaan; maradatan = maradaan; hashatan = hashaan).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Teeriyotanbuur
(Teeriyotanbuur-ka)
Cudur ku dhaca qanjirrada dhegaha u dhow oo ay aad ula bararaan; qamo-qashiir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ursasho
(Ursasha-da)
Sanka wax u dhoweyn ama saarid, si urkiisa loo garto.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
u dhowee
v. draw someone ~ something near; bring near; put close by
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ku_dhow
de: close by, near to
lx: ku dhow
pd: (dhowaa)
ps: adv-loc
key: ku_dhow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhow
Aan fogeyn; ogog leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhow
f.mg4 (-waa, -wayd) Wax aan fogayn ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhow
f.mg4 (-waa, -wayd) Wax aan fogayn ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhow
adj., loc. near, nearby, close
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhow
-aa: (adj) 1. near (niyar); close (kalows)-, just about; almost; nearly ~ dhaw: Ex: mustaqbalka dhow; the near future ~ dhowaan: 2. (adv) recently (rii-santili) ~ dhawaan
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Dhow
Vicino
Near
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhow
(tilmaame) eeg dhaw.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhow
a: dhaw
de: near, nearby, close Opp: fog
lx: dhow
pd: (dhowaa)
ps: adj-loc
xe: One afternoon he went to share news with a family that was nearby.
xv: Galab buu reera ka ag dhowaa u wareysi tagey.
key: dhow
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
dhow
مُقْتَرِب لَدَى وَلَدُن وَعِنْدَ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadhow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Wax cadho ku dhacday noqosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cadhow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Wax cadho ku dhacday noqosho. m.f.dh, cadhoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadhow
(fal) cudurka cadhadu ha kugu dhaco; cadho yeelo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gadhow
-da: (magac, dhedig, keli) sangadh wax mar meel lagu dhuftay ama wax dhammaaday.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hadhow
Had dhow; goor aan fogeyn oo soo socota; goor dhow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hadhow
fk. Had dhow, goor aan fogeyn oo soo socota. la-mid: hadhowto.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hadhow
fk. Had dhow, goor aan fogeyn oo soo socota. la-mid: hadhowto.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hadhow
adv., time: soon, in a while, a little later
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hadhow
(adv) shortly (shoortili); soon (suun) ~ hadhowto
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadhow
(falkaabe) goor dhow; had dhow oo soo socota; mar aan fogayn. Hadhow ayaan imanayaa suuqa. Dh: ceeyoon, dhawaan, hadhowto.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hadhow
de: soon, in a while, a little later = had + dhow
lx: hadhow
pd: (hadhdhow)
ps: adv-time
key: hadhow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
irdhow
irdhow¹: m.l Cararidda cabsi darteed lala cararo. la-mid: irdhoobid.
irdhow²: f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Cabsi darteed la cararid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
irdhow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Cabsi darteed la cararid. m.f.dh, irdhoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
irdhow
(fal) mid dembiile ah oo baydadsan ama cabsanaya noqo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
u dhig
v. teach something to someone; put something aside for someone
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
u dhin
v. hurt, harm, do something bad to someone
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
u ekow
v. resemble, look like
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Bar dhow
Near point
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kol dhow
n. phr., time: for a while, a short time
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mar dhow
adv., time: soon, in a while
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
u_dhowee
de: draw s.o. ~ s.t. near; bring near; put close by
initial: u
lx: u dhowee
pd: (dhoweeyey)
ps: v2b=expr
key: u_dhowee
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
A throw
marin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caydhow
(fal) erey habaar ah oo uu macnihiisu yahay, 'sabool noqo' 'waxba ha haysan'. Dh: sabooloow, cayrow. Li: hodanoow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duudyow
(fal) neef xoolo ah, xummad la jiifi waa.
duudyow -ga: (magac, lab, keli) xumad noolaha u diidda jiif iyo joog oo ay la harjadaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabdhow
-ga: (magac, lab, keli) xanuun ay xooluhu shilinta ka qaadaan oo ay la dhacdhacaan. Dh: muqlow, mulqo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gundhaw
m.l Cayayaan, salka hoose ka gooya geedka digirta iyo qaraha.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huldhaw
(fal) iil qod, loxod qod.
huldhaw -ga: (magac, lab, keli) dalool darbiga labada dhinac isaga baxa.
huldhaw -ga: (magac, lab, keli) iilka meydka la dhigo ee xabaal farasta xagga qiblada laga qudo. Dh: iil, luxud.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
isudhow
adj., [expression] close (to each other), with a narrow margin
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
isudhow
-aa: (adj) not far from each other; being near to each other; close (kalaws)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
isudhow
de: close (to each other), with a narrow margin
lx: isudhow
pd: (isudhowaa)
ps: adj-expr
see: isu + dhow
key: isudhow
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ku dhac
v. crash, collide; clash; 'hit upon', follow
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ku dhac
-ay / day: (v) fall into; fall in (fool in)
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ku dhig
v. write on; do something to
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ku ekow
v. be limited to, be restricted to
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaldhow
m.l Orodka uu awr qooqani ordo mar uu dagaallamayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaldhow
-ga: (magac, lab, keli) orodka uu awr qooqani ordo mar uu dagaallamayo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
u dhalo
v. be a native of; be a citizen of (a country)
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
u dhiib
v. hand over to; give something to someone
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
u dhuro
v. behave in accordance with ancient custom
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
u ergow
v. apologize to someone; get someone's approval for something
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
u hawow
v. have desire for something, desire someone sexually; win over, overcome, defeat
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ku mudnow
v. become nailed to something, be pierced to
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
u magdhaw
v. pay compensation to someone, pay the price of blood